Dal Afrikan ah oo lacag dhan 2.6 Milyan Dollar ku bixiyay tababar ku saabsan sida loo cabo kafeega

Warbaahinta dalka Uganda ayaa si weyn u hadal haya, warka ku saabsan in tababar la xariira sida kafeega u cabi lahaayeen dhallinyarada dalkaasi, lagu bixoiyay lacag ka badan 2.6 miyan oo dollar.

Hantidhorka dalka Uganda ayaa hadda bilaabay baaritaano la xariira, sida ay suurto gal ku tahay in tababarka kafeyga cabista lagu bixiyay lacag dhan 2.6 miyan oo dollar, waxaana arrintan hadda su’aalo laga weediinayaa dadkii mashrrucaasi ku lugta lahaa.

Saraakiisha Uganda ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha (OPM) ayaa loo xilsaaray inay sharraxaad ka bixiyaan sida $2.6m loogu isticmaalay tababarka dhallinyarada ee sida loo cabbo kafeega iyo waxyaabo kale, sida ay sheegtay koox ilaalisa baarlamaanka.

Robert Limlim, oo ah agaasimaha xafiiska Ra’isul Wasaaraha Uganda ayaa si adag u difaacay qarashka badan ee ku baxay tababarka kafey cabista, waxa uuna tilmaamay in lacagta ku bixiyeen iibsashada qalabka kafeega iyo sidoo kale sidii dhallinyarada loogu faa’iideyn lahaa dhaqaalaha kafeega.

Dalka Uganda ayaa kamid ah dalalka sida weyn looga cabo loogana jecel yahay qaxwada, waxaana dalkaasi la sheegay in sannadkii loo dhoofiyo qaxwo ay ku baxeyso lacag ka badan 800 milyan oo dollar .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -