Mooshin loogu yeerayo R/W Kheyre oo loo gudbiyay Gudoonka Golaha Shacabka

Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa saxiixay mooshin loogu yeerayo Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre si wax looga weediiyo amaanka sii xumaanaya iyo Arimo kale.

Gudoonka Golaha Shacabka ayaa loo gudbiyay mooshin ay saxiixeen in ka badan 20-Xildhibaan, waxaana mooshinkan lagu dalbanayaa in Ra’isul Wasaare Kheyre horyimaado golaha shacabka si su’aalo loo weediiyo.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo dood kulul ka yeeshay amaanka Caasimada oo sii xumaanaya ayaa ku dhaliilay Xukuumada Ra’isul Wasaare Kheyre in aysan wax ka qaban amaanka uuna jiro gaabis badan.

Xeer hoosaadka Golaha shacabka Soomaaliya u qoran qodobkiisa 72aad ayaa dhigaya in 10 Xildhibaan soo jeedin u yeerid ay ka keeni karto Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo aan cod loo qaadin.

Gudoonka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaan wali ka hadlin mooshinkan loo soo gudbiyay ee loogu yeerayo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya , waxaana la filayaa in Gudoonka arintan mooshinka ah ka shiraan kadibna go’aano kasoo saaraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -