Madaxweyne Farmaajo oo soo gebagebeeyey booqashadii uu ku joogay Magaalada Jubba

Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu ka qeyb galay munaasabad ka dhacday magaalada Jubba oo lagu dhameystirayay heshiiskii ay gaareen dhinacyada South Sudan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa Magaaladda Jubba ee caasimada dalka South Sudan kulamo la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool wadankaasi, isagoo kala hadlay sida ay uga qeyb qaadan lahaayeen Horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koofur Suudaan , ayaa Jaaliyadda uga warbixiyey xaaladda dalka uu ku sugan yahay, isaggoo xusay  Gacansatada dalkaasi ku nool in dawladda Soomaaliya ay kala shaqeyn doonto siddii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarka iyo kor u qaadista dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa  inta aanu kasoo ambabixin Jubba, waxa uu kulan gaar ah uu la qaatay dhiggiisa dalkaas Mudane Salvakiir Mayardit, waxaana ay kawada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo in dhidibada loo adkeeyo nabadgalyada guud Gobolka geeska Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -