Golaha Badbaadada Hirshabeelle oo bogaadiyay in Madaxweyne Waare oo ka baxay shirka Kismaayo!!

Gudoomiyaha Golaha Badbaada Hirshabeelle Mudane C/qaadir Maxamed Cusmaan- Barnaamij- oo la hadlayay Warbaahinta Allbanaadir ka dib markii Goluhu soo saaray Warsaxaadeed ay ku bogaadinayaan dowladda  dhexe iyo Madaxda kale ee Hirshabeelle dadaalka ay u galeen  in Madaxweyne Waare dib uga laabto hakintii wadashaqeynta Hirshabeelle la lahayd Dowladdda dhexe.

Warsaxaafadeedka ayaa sidaan u qornaa 

Mudane C/qaadir Maxamed Cusmaan- Barnaamij Gudoomiyaha Golaha Badbaada Hirshabeelle

(Jowhar:  September 19, 2018) Golaha Badbaadada Hirshabeelle  oo ah Gole Siyaasadeed ayaa soo dhaweeyey wada shaqeynta dowladda Federaalka iyo maamul goboleedka Hirshabeelle. Golaha ayaana ka mahad celiyay dadaalka dowaladda dhexe ay u gashay arinkaan.

Golaha Marka uu arkay in lagama maarmaan ay tahay in la xoojiyo Midnimada Ummadda Soomaaliyeed lagana Fogaado wax walbo oo keeni kara kala dhantaalan waxa uu soo saaray Qodobada hoos ku qoran.

  1. Golaha wuxu u  Mahadcelinayaa Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  Mudane Xasan Cali Kheyre, Wasiirka Wasaaradda Boostada Isgaarsiinta & Teknolojiyada Mudane Eng Cabdi Canshuur Xasan , Wasiirka Amniga Gudaha  Mudane Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale), Wasiir ku-xigeynka Wasaaradda Dakaddaha Iyo Gaadiidka Mudane Cismaan Maxamed Cabdi (Daallo), Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Hirshabeelle Mudane Sheekh Cusmaan Barre Maxamed dadaalka ay ka geysteen in Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ka soo laabto talaabadii qaldaneyd ee ka dhalatay Shirkii Kismaayo, taasoo lagu hakiyay xiriirka Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada.
  2. Goluhu wuxuu garwaaqsan yahay  faa’idada heshiiskaan uu u leeyahay midnimada qaranka iyo ka ilaalinta dalka faragelin shisheeye inagoo ku  bogaadineyno Ra’iisul Wasaare  Xasan Cali Kheyre in uu gaashaanka u daruuray faragelin Shisheeye, heshiiskaana uu tusaale cad u yahay aragtida xukuumada ee ku dhisan Soomaalinimada, madaxbanaanida, iyo qabka wadaninimo.
  3. Goluhu waxa uu ugu baaqayaa Madaxda Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka in ay wada-hadal la furan dibna u soo celiyaan xiriirkii wadashaqeyn ee ay la lahaayeen Dowladda dhexe.
  4. Goluhu wuxuu ugu  baaqayaa  xildhibaanada Hirshabeelle iyagoo eegaya duruufaha adag ee siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo horumar  ee ka jira Hirshabeelle salkana ku haya hogaan xumida Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare in ay u yeeraan Madaxweynaha, la xisaabtamaan ugu danbeyna si dustuurka waafaqsan xilka ugu qaadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -