Nin Muqdisho lagu dilay kadibna Meydkiisa lagu gubay !! (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafada Towfiiq ka dhacday fal dad badan argagax ku beeray, kadib markii xaafadaasi lagu dilay nin dadka deegaanka kamid ahaa kadibna meydkiisa dab la qabad siiyay.

Falkan argagaxa leh ayaa la shegay in uu ka dhacay gudaha Garaash uu ninkan ku lahaa xaafada Towfiiq ee degmada Yaqshiid, waxaana ninkan weeraray dhoor qof oo isugu jiray haween iyo rag watay budad iyo baangado.

Ehelada ninka la dilay oo lagu magacaabo Axmed Muqtaar Saalax kana soo jeeda Beesha Jareerweyne ayaa sheegay in Axmed bilo kahor wiil uu adeer u yahay reer uga doonay gabar kadibna uu siiyay aabaha gabadha balse ehelada kale kasoo horjeesteen.

Sida wararka aan ku helnay ninkan la dilay waxaa garaash uu ku sugnaa ku weeraray kuna dilay  ehelada gabadha uu u doonay wiilka uu adeerka u yahay , kuwaa oo ku doodayay in gabadhooda uusan geyn wiilka loo soo doonay.

Marxunka la dilay ayaa la sheegay in uu ahaa aabe dhalay 12- caruur ah, waxa uuna xaafada Towfiiq ku lahaa garaash uu ugu xamaali jiray nolol maalmeedna uga raadin jiray caruurtiisa.

Maamulka degmada Yaqshiid iyo laamaha amaanka ayaan wali ka hadlin dhacdadan argagax leh ee maanta ka dhacday xaafada towfiiq ee lagu dilay kadibna gubay ninkan miskiinka ah.

- Advertisement -