Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Dhulgariir khasaare geystay oo ku dhuftay Jasiiradda Java

Dhulgariir cabirkiisu yahay 6.4 ayaa ku dhuftay jasiiradda Java ee dalka Indonesia fiidnimadii xalay.

Waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 10 qof, halka hal qof uu ku dhintay looga shakisan yahay inuu u geeriyooday wadno-xanuun intii uu socday dhulgariirka, sida ay sheegtay hay’adda ka hortagga masiibooyinka ee dalkaas (BNPB).

Dhulgariirka ayaa sababay burbur yar oo soo gaaray boqolaal guri, xafiisyada qaar, xarumaha caafimaadka iyo waxbarashada oo ku kala firirsan gobolka Yogyakarta iyo bartamaha gobolka Java sida uu sheegay afhayeenka heyadda BNPB Abdul Muhari ayaa u sheegay wakaalada Wararka ee Reuters

Wakaaladda geophysics-ka ee Indonesia (BMKG) ayaa sheegtay in dhulgariirkan oo ku dhuftay dhul dhan 25 km (15 miles) laga dareemay magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Yogyakarta iyo sidoo kale bariga iyo bartamaha Java oo ah jasiiradda ugu dadka badan Indonesia. Wax digniin ah oo tsunami ah lama soo saarin.

Indonesia, oo ku taalla Koonfur-bari Aasiya, waxay ku dhegtaa waxa loogu yeero “Ring Pacific of Fire”, oo ah aag aad ugu firfircoon dhulgariirada halkaasoo taarikada kala duwan ee qolofta dhulka ay ku kulmaan , kana dhaliyaan tiro badan oo dhulgariir iyo volcano ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ookiyaale uu lahaa Fanaan hore oo lagu iibsaday lacag ku dhaw 200-kun oo Dollar

Cabdi Cade

Dowladda oo Shaacisay in 50-Dagaalyahan ay ku jiraan Saraakiil lagu dilay Deegaanka Afcad

Cabdi Cade

Qarax goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---