Dowladda Mareykanka oo bur burisay hub halis badan oo ay horey u sameesatay

Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in ay bur burisau hub nuuca kiimikada ah oo horey u sameesatay, hubkan la bur buriyay ayaana ahaa mid halis badan oo haddii la isticmaalo saameyn badan yeelanaya.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa xaqiijiyey in la bur buriyey hubkiisii kiimikada ahaa ee ugu dambeeyay, waxa uuna sheegay in tallaabadan u qaadeen si dunnida uga bad baado halista hubka kiimikada ah.

“Maanta, waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in Maraykanku uu si badbaado leh u burburiyay hubkii ugu dambeeyay ee kaydkaas ku jiray – taasoo noo soo dhawaynaysa hal tallaabo oo dunidu kaga xorowday argagaxa hubka kiimikada,” ayuu Biden

Bur burinta hubka kiimikada ee horey u sameestay Mareykanka daba socotay dedaal sannado socday oo lagu doonayey in dunida looga cirib tiro hubkan halista ah hubkan, kadib markii dagaalkii kowaad ee aduunka si xad dhaaf ah loo isticmaalay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -