Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Itoobiya oo si rasmi ah ula wareegtay Xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD

Dr. Workneh Gabeyehu Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka Xogheyaha fulinta IGAD ka dib markii uu dhawaan u magacaabey Ra’isul Wasaaraha Itoobiya.

Somalia oo loolan adag ugu jirtay helida xilkaas ayaa waxay u sharaxday Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda C/salaan Hadliye Cumar, balse wey ku hungowday, iyadoo dowladaha Kenya iyo Itoobiya ay isku wareejiyeen xilalka xoghayaha iyo Guddoonka IGAD.

Xogheyaha fulinta IGAD ayaa waxaa horay u ahaa Maxbuub Macalin, waxaana haatan uu xilka si rasmi ah ugu wareejiyey Xoghayaha Cusub ee Fulinta IGAD Dr. Workneh Gebeyehu.

Shir ay dhawaan ku yeesheen Madaxda Urur Goboleedka IGAD Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa laga shaaciyey in Soomaaliya u tanaasushay Itoobiya, balse Jabuuti ay diiday taasoo keentay in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu safar deg deg ah ku tago si uu u qanciyo.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa inuu xilka Gudoonka IGAD kala wareego RW Itoobiya, shir madaxeedka IGAD ee ka dhici doona magaalada xeebta ku taalla Mombasa dhowaan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qoor-qoor iyo Wafdigiisa oo si diiran loogu soo dhoweeyey dalka Jabuuti (Sawirro)

Caydiid Ali

Dhaqtarad dil iyo kufsi loo geestay iyo caro xooggan oo ka dhalatay

Cabdi Cade

Sidee ku dhacday in Sanad gudihiis qaraxyo lagu bur buriyay Kamiroyinkii ku xirnaa Mugadisho !!

admin
Taboola Ads ---