Hanti Dhowrka Qaranka oo Lagu Qasbayo Inay Sameeyaan Baaritaan Ceeb Loogu Raadinayo Khayre !!

Ilo Wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijiyay in sii hayaha Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mahdi Guuleed iyo xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wassaaha, Cabdirisaaq Caato ay cadaadis ku saareen hanti-dhowrka qaranka inuu dib baaritaan ugu sameeyo shaqooyinkii uu qabtay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha labadii sano ee tagtay.
 
Khadar Guuleed iyo Cabdirisaaq Caato oo wakiil ka ah Madaxweyne Farmaajo oo ku jira ololaha dib-u-doorashadiisa, ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta hanti dhowrka, waxayna ka codsadeen inay baaraan shaqadii uu xafiisku qabtay labadii sano ee tagtay hase yeeshee hanti dhowrka ayaa ku war geliyay inay shaqadaas horay u qabteen oo ay hayaan natiijadii maadaama xafiisku uu ka shaqeeyo daba galka xafiisyada dowladda iyo ilaalinta hantida qaranka.
 
Guuleed iyo Caato oo ay ka go’antahay inay raadiyaan ceebeyn lagu sameeyo wax qabadkii Xasan Khayre ayaa hanti dhowrka ku handaday inay tahay amar madaxweyne, lagana doonayo inay baaritaanka sida ugu dhaqsaha badan u galaan, oo ay soo saaraan warbixin ka saxan tii hore oo ay bannaanka soo dhigaan maadaama ay suuragal tahay in xoghayihii hore iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ay wax uun qariyeen.
 
Ilo wareedka aan xogtaan ka helnay waxay xaqiijinayaan in hanti-dhowrka oo ay u cuntami la’dahay ku noqoshada shaqo ay horay u qabteen, sidoo kalana ilaalinaya sax ahaanshaha warbixintoodii hore, ay diidi kari waayeen amarka la dul dhigay kadibna ay billaabeen fulinta awaamiirta Mahdi Guuleed iyo Cabdirisaaq Caato.
 
Mahdi Guuleed iyo Cabdirisaaq Caato ayaa kamid ah saraakiisha ugu muhiimsan ee ololaha dib u doorashada Farmaajo, waxaana loo xil saaray inay soo raadiyaan wax qalad ah oo uu galay Xasan Khayre si hoos loogu dhigo sumcaddiisa, loona yareeyo taageerayaashiisa, loona abuuro fursad uu Farmaajo ku noqon karo mas’uul u qalma inuu dalka afar sano oo kale hogaamiyo.
 
Madaxweyne Farmaajo oo xog ogaal u ah in Cabdirisaaq Caato uu liiska Madow uga jiro xafiisyada hey’adaha Qaramada midoobay ee dalka ka howl gala sababo la xariira inuu masuq-maasuqay mashruuc uu madax ka ahaa, ayuu xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uga dhigay xoghaye joogta ah taas oo macnaheedu yahay inaan la baadi goobeyn musuq maasuq ee ololaha doorashu uu galay xafiiska hanti-dhowrka, lama oga sida xafiiska Hanti-dhowrku u soo saari karo warbixin ka duwan tiisii hore.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -