Dagaal iyo Duqeymo culus oo ka dhacay gobolka Hiiraan iyo Howlgal wali socda

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidanka xoogga dalka oo gacan ka helayay kuwa macawuusleyda iyo kooxda Al Shabaab uu ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa xalay ilaa saakay ka socday deegaannada Beeroyabaal iyo Baardheere oo katirsan  gobolka Hiiraan, waxaana halkaasi dagaal faraha looga gubtay uu ku dhax karay ciidamada huwanta ah iyo Al Shabaab.

Sargaal katirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in howlgal qorsheesan ku qaadeen xubno katirsan Al Shabaab uu sheegay in ay isku aruursanayeen deegaannadan katirsan gobolka Hiiraan ayna khasaaro xooggan ku gaarsiiyeen dagaalka.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in dagaalka ay qeyb ka ahaayeen diyaarado dagaal oo duqeymo culus la beegsaday goobihii ay ku sunaayeen kooxda Al Shabaab , waxaana wali socda howlgalka ay wadaan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka.

Dagaalka iyo duqeymaha culus ee ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Hiiraan ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhasheen khasaaro xooggan, dowladda Soomaaliya ayaana sheegtay in faah faahin dheerada ah ka bixin doonana howlgalkan ka dhacay Hiiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -