Jubbaland oo dhagaha ka fureesatay Baaqii Musharaxiinta iyo Puntland oo laga war sugayo

Golaha Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa dhawaan ku baaqay in la hakiyo doorashada Xildhibaanada golaha shacabka ee dalka ka bilaabatay, waxa ayna taa badalkeeda ku baaqeen in la isugu yimaado shirweyne qaran.

Musharaxiinta mucaaradka ayaa horey isbaheysi ula lahaa maamulada Puntland iyo Jubbaland oo xiriir wanaagsan la laheyn dowlada uu hogaamiyo Farmaajo, waxa ayna musharaxiinta maamuladaasi isku baheysan jireen go’aanada ka dhanka ah Farmaajo.

Qoraalka xalay kasoo baxay maamulka Jubbaland ee lagu shaaciyay qabashada doorashada 14-Xildhibaan oo kamid noqonaya golaha shacabka ayaa niyad jab ku abuuray musharaxiinta oo markan u muuqda kuwa aan taageero u heleyn go’aankooda.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa qaatay amarka Ra’isul Wasaare Rooble ee ahaa in doorashada bilaabaan halka uu dhagaha ka fureestay baaqa musharaxiinta ee ahaa in doorashada dib loo dhigo.

Musharaxiinta mucaaradka ayaa markan ka dhur sugaya Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo naftiisa ah musharax Madaxweyne, waxaana la isweediinayaa in Siciid Deni Musharaxiinta la safan iyo in kale.

Doorashada Xildhibaanada golaha shacabka ayaa ku bilaabatay musuq maasuq iyo boob, waxa ayna taasi walaac badan ku abuurtay Musharaxiinta mucaaradka oo markii hore damac uga jiray in xubno taageersan kusoo baxaan doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -