Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Madaxweyne Waare oo la heshiiyay Dowlada Federaalka Soomaaliya (Akhriso)

Madaxweynaha Maamul goboleedka Hirshabelle ayaa heshiis la gaaray dowlada Federaalka Soomaalia , waxaana wadahadal labada dhinac dhax maray lagu gaaray heshiis lagu xaliyay tabashooyinkii Hirshabelle ka qabeen dowlada Federaalka.

Qoraal kasoo baxay Madaxda maamulka Hirshabelle ayaa lagu xaqiijiyay in Madaxweynaha, Madaxweyne kuxigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle la heshiiyeen Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Hirshabelle ayaa cadeesay in wada shaqeyn buuxda la yeelan doonto dowlada Federaalka Soomaaliya , waxa ayna Madaxda dowlada ugu baaqeen Madaxda Hirshabelle in wadahadalo la furaan Madaxda kale ee maamul goboleedyada dalka.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo Shir Jaraa’id qabtay ayaa cadeeyay in wadahadalo ay la galeen dowlada Federaalka guul kusoo dhamaadeen, waxa uuna cadeeyay in laga heshiiyay tabashooyinkii jiray.

Heshiiskan maamulka Hirshabelle la gaaray Dowlad Federaalka Soomaaliya ayaa dhabar jab ku ah Madaxda dowlada Goboleedyada oo dhawaan shaaciyay in ay xiriirka u jareen dowlada Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Degaano ka mid ah gobolada dhexe ee Somalia oo maanta laga sooman yahay

Caydiid Ali

Qushuuc aan la qiyaasi-karin oo laga dareemay Aaska Marxuum Eng Yariisoow iyo Wasiir kabad baaday isku day dil …!!

admin

Wax ka Ogow dhibaatooyinka shacabka Muqdisho kala Kulmaan Maamulka G/Banaadir

admin
Taboola Ads ---