Madaxweyne kuxigeen lagala wareegay 16 Milyan Dollar iyo Saacado qaali ah iyo Muran ka dhashay

Dowlada Brazil ayaa dhawaan la wareegtay lacag gaareysa 16 Milyan oo Dollar iyo sidoo kale saacado qaali ah ay wateen ergo la socotay Wiil uu dhalay Madaxweynaha dalka Equatorial Guinea sidoo kale ah Madaxweyne kuxigeen.

Booliiska Brazil ayaa qabtay lacag cadaan ah oo gaareysa 16 Milyan oo Dollar iyo sidoo kale saacado qaali ah, waxaana lacagtan iyo saacadaha waday ergo la socotay Teodorin Nguema Obiang oo ah Madaxweyne kuxigeenka Equatorial Guinea .

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Equatorial Guinea ayaa si kulul u cambaareeyay lacagtan Brazil qabatay, waxa uuna sheegay qabashada hantidaas ay tahay mid macno la’aan ah oo saaxiibtinimada ka dheer.

Wiilka Madaxweynaha dalkaasi ayaa Jimcihii Diyaarad khaas ah uu watay kala dagay Brazil, waxaana ergada la socotay diyaaradaasi boorsooyin ku wadeen lacag gaareysa 16 Milyan Dollar iyo saacdao qaali ah oo markii dambe lagala wareegay.

Dalka Brazil ayaa waxaa ka manuuc ah in lala galo lacag cadaan ah oo ka badan 2,400 oo dollar, waxaana dowlada la wareegtaa baaritaana ku sameysaa hadii lacago badan dalkaasi lala galo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -