Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Dil toorey loo adeegsaday oo loo geestay Wariye C/risaaq Siciid Cismaan 

Wararka ka imaanaya Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in kooxo toorey ku hubeesan xalay magaaladaasi ku dileen Wariye C/risaaq Siciid Cismaan oo ka howl galayay Idaacada Codka Nabada .

Kooxo toorey ku hubeesnaa oon heebtooda la garan ayaa xalay toorey ku weeraray Wariye C/risaaq Siciid Cismaan xili uu kasoo baxay goobtiisa shaqo, waxaana Wariyaha lagu dhuftay toorey sababay in markii dambe u geeriyoodo.

Ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa Waqooyiga magaalada Gaalkacyo kawada baaritaano ay ku baadi goobayaan kooxihii Wariyayaha dilay oo loo maleenayo in ay ahaayeen burcad.

Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Waqooyiga magaaladaasi ay maamusho Puntland ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dilal loo geesto dad shacabka iyo xubno katirsan maamulka Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:-Rajo xumo laga muujiyay shirkii Muqdisho & Gabadhii laga soo tuuray dabaqa oo..

admin

Mucaaradka Somaliland oo ka hadlay geeridii ku timid Marxuum Eng. Yariisow

Caydiid Ali

Wax badan ka ogow heshiisyada Mashaariicda horumarineed ee dalka heysto (Daawo Video )

admin
Taboola Ads ---