Wax ka Ogow dhibaatooyinka shacabka Muqdisho kala Kulmaan Maamulka G/Banaadir

Maamulka Gobolka banaadir ee uu Gudoomiyaha ka yahay C/raxamaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa waxaa bilihii la soo dhaafay ka muuqday dayacnaan dhinaca bulshada soomaaliyeed ah , taas oo keentay qaabka Qabilaada oo u muuqata qaab dhibaato badan iyo Bahdil aad kala kulmayso marka aad tagto xafiiska Gobolka banaadir ee magaalada Muqdisho.

Jadwalka Qaabilaada Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka banaadir ayaa waxaad ku arkaysaa qaabilaada 6 maalin in ay tahay mid wax badan laga tagay ama aan lagu fakirin, waxaa ka mid ah in aysan jirin maalin u gaar ah in la qaabilo, dadka dhibaataysan, Caruurta iyo haweenka, wariyayaasha soomaaliyeed iyo kuwa caalamiga ah iyo wixii soo raaca.

Marka aad tagto Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka banaadir waxaa indhahaagu qabanayaan Gacanyarayaasha Gudoomiye Yariisow oo dadka u balaminaya qaab aan ku jirin miro dhal ama ka run sheegid, waxaana mararka qaar ay kuu qabanayaan balamao aan miro dhal ahayn oo aan laga run sheegin oo u muuqada iga tag, taasi oo aysan ku jirin mas’uuliyad Dowladeed.

“ Waxaan imaaday Gobolka gaar ahaan xafiiska Gudoomiye Yariisow saakay 8 Subaxnimo waxaa imaanyo Xildhibaano madax iyo dad kale wayna u galayaan, marka meesha waxaa ka muuqato maah maahdii ahayd somalida nin wax haysta ayay wax ugu daraan, Qoraalka jadwalka ku qoran qaabilaada Gudoomiyaha waxaa ku Qoran, Xildhibaanada Wasiiradii hore madaxada maanta iyo wax la mid ah oo ku soo laabanayo 2 ama sadax jeer usbuucii haduu 2 ama 3 jeer qaabilo madaxda hada dalka joogta goormuu qaabilaa dadka dhibaataysan ee magaalada muqdisho jooga” ayay tiri Hoyo xaliimo oo aan kula kulmay albaabka hore ee Xarunta Gobolka banaadir waxaana ka muuqday maamo xaliimo dhibaato badan iyo daal badan ayada oo ii sheegtay in ay ku soo laabanaysaya halkaan mudo usbuuc ah walin aan la siinin Tixgalintii ay mudnayd hadan ahaan lahayd midi hoya nimo tii somalinimo iyo tii ay xaqa u lahayd oo ahin ay hesho maamulka Gobolka Banaadir.

“ Waxaa I balaminaysaya intaa gabar lagu magacaabo Nimco oo ah gacanyaraha Gudoomiye Yariisow, waxaana oran karaa taasi waa wax laga Xumaado Gudomiye Yariisow waxaan leeyahay wax ka badal qaabka aad ugu shaqyso umada soomaaliyeed.

Sidoo kale maahana markii ugu horeysay oo dhibaato laga soo sheegayo ama cabasho xafiiska Gobolka Banaadir iyo wasaaradaha Dalka ka jiro qaarkood , waxaadna arkaysaa marka aad marayso goobahaas dadka oo Raxan Raxan u dhooban albaabada Xarumahaas kuwaas oo aan ka helin xaqii muwaadinimo ay lahaayeen.

La soco Qeybta kale warbixintaan Wariye Abdihakim oo Jooga Magaalada Muqdisho ayaa indhihiisa ku soo arkay dhacdooyinkaan!!

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -