Dal 7 sano ku soo jiray dagaalo lagu riiqmay oo doorashadii ugu horeysay ay ka dhacday (Daawo Sawirro)

Dalka Suuriya waxaa ka dhacday shalay codbixinta doorashada golaha deegaanka oo ah tii ugu horreysay muddo toddoba sano ah, tan iyo markii colaadda sokeeye ay ka billaabatay dalkaasi.

Warbaahinta qaranka ayaa sheegtay in muddo shan saacadood ah lagu daray xiliga doorashada sababta saacadahaasi dheeriga ah loogu darayna ay tahay dadka codkooda dhiibanaya oo aad u badan.

Goobaha codbixintu ayay ahayd in ay soo xirnaan xalay saq dhexe. 40,000 oo musharax ayaa u tartamaya golaha deeganka oo ka kooban ku dhawaad 20,000 oo kursi.

Intooda badan musharixiintani ayaa u janjeera dhanka xisbiga haya talada dalkaasi ee uu hoggaamiyo madaxweyne Bashar Al-Asad.

Dowladda madaxweyne Asad ayaa hadda maamusha inta badan dalkaasi ay colaadda la degtay ee Suuriya kaddib markii ay ka adkaatay kooxaha mucaaradka.

Gobolka ismaamulka Kurdiyiinta ayaa go’aansaday in uusan ka qeyb qaadan doorashada, waxaana mas’uuliyiinta dalkaasi ay sheegayaan in doorashadani ay astaan u tahay in xaaladda dalkaasi ay caadi ku soo noqoneyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -