Raisul Wasaare Khayre oo jawaab culus u diray Madaxda dowlad goboleedyada

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo xalay magaalada Muqdisho uga qeyb galay munaasabad looga hadlayay barnaamijka Isxilqaan ayaa sheegay in aysan aheyn wax la aqbali karo in magaalada Muqdisho la yiraahdo laguma shiri karo amni daro awgeed.

Khayre ayaa ka jawaabayay hadal ka soo yeeray madaxda dowlad goboleedyada oo maalmo shaaciyey shuruudo ay ku xireen ka qeyb galka shirka uu isugu yeeray Madaxweyne Farmaajo, waxaana ka mid ahaa in ammaanka Muqdisho aan la isku haleyn karin loona baahan yahay in la cayimo goobta uu shirku ka dhacayo, iyo shirka  laga soo qeyb geliyo dhinac Saddexaad oo dhexdhexaadiya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

“Waxaanan soo dhaweyneyn in la yiraahdo magaalo madaxda dalka laguma shiri karo oo amni ma ahan, magaraneyno cida loogu daneynayo, laakiin waxaan rabaa inaan xusuusiyo cid walba oo sidaas tiri in Muqdisho ay tahay astaanta qaranka, inay tahay magaalo ay wada dhisteen dhammaan shacabka Soomaaliyeed”. ayuu yiri Khayre.

Raisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in laga gudbay xilligii marka ay wada hadlayaan Soomaalida dhexdeeda loo wici jiray shisheeye si ay khilkaafkooda u xaliyaan, aysan aheyn wax ay ogolaan karaan madaxda dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Sidoo kale waxaanan soo dhaweyneyn hana soo kala dhexgalo garab Saddexaad oo ajnabi ah, garab Saddexaad waa dhaqankii aan horey u soo baranay, waana laga soo gudbay, xaalada dowladnimada ay ku sugan tahay maanta waxay mareysaa shacabka Soomaliyeed meel walba oo ay joogaan inay dareemayaan inay dib u soo laabatay sharaftii iyo karaamadii ay caalamka ku lahaayeen” ayuu yiiri Khayre.

Waxaa kaloo uu sheegay kuwa doonaya in dalka loo gacan geliyo shisheeye inay yihiin kuwa dhabar jabinaya guusha weyn ee u soo hooyatay qaranka, isagoo sidoo kale tilmaamay in dowladda ay hada ku hawlan tahay inay heshiisiiso dalalka gobolka, aysana dib u laaban doonin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -