Wararkii ugu dambeeyey Khilaaf ka dhex curtay Xaaf iyo Ahlu Sunna

Waxaa soo baxaya faahfaahino la xiriira kulan magaalada Dhuusamareeb ku dhexmaray Madaxweyne Xaaf iyo Xubnaha Ahlusuna ee ku biiray Galmudug.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Xubnaha Ahlusuna ee fadhigooda yahay Dhuusamareeb ay mabda’ ahaan aqbaleen in doorashada Galmudug ay dhacdo bisha soo socoto, halka Madaxweyne Xaaf oo in muddo ah diidanaa doorashada Galmudug uu ku adkeysanayo in muddo xileedkisa uu ka soo bilaabanayo markii la doortay May 2017 uuna ku eg yahay 2021.

Shirar kala duwan oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ayaa la sheegay in la isku fahmi waayay oo lagu kala kacay.

Lama oga illaa hadda qorshaha cusub ee maamulkii Ahlusunna ee ku biirtay Galmudug ay ku ogolaadeen in doorashada madaxweynaha ay dhacdo bisha soo socota inay ku lug leedahay Dowladda Federaalka Somalia iyo in kale.

Maamulka Ahlusunna iyo madaxweynaha Galmudug ayaa horay ga soo hor-jeestay in doorashada dhacdo sannadkan, balse lama oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa inuu isbedelo mowqifkii Ahlusunna.

Masuuliyiin ka tirsan ahlu sunna oo magacooda ka gaabsaday ayaa sheegay in Madaxweyne Xaaf uu ku fashilmay inuu heshiis la gaaro dowlada dhexe, uuna eeganayo dantiisa gaarka ah oo kaliya, sidaas awgeedna aysan sii daba socon karin intan ka badan, loona baahan yahay inuu dhaco isbedel.

Xaaf oo aan wax taageero ha ka heysan doelada Somalia iyo garabka maamulka Galmudug ee fadhiya Cadaado ayaan la ogeyn sida uu uga dabaalan doono xaalada ka soo wajahday ahlu sunna oo laga yaabo iney meel cidlo ah soo joojiso mustaqbalkiisa siyaasadeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -