Muwaadin Soomaaliyeed oo caawa lagu dilay magaalada Cape Town

Kooxo burcad hubeesan ayaa caawa Deegaanka Philip oo katirsan magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika waxa ay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo ku sugnaa goob ganacsi .

Cabdi Calas Guure oo kamid ah Hogaanka Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Cape Town ayaa noo xaqiijiyay dilka Caawa loo geestay Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray  Yuusuf Xuseen Xasan (Yusri-fuuda) .

Kooxihii hubeesnaa ee dilka u geestay muwaadinkan Soomaalieed ayaa  baxsaday, waxaana goobta dilku ka dhacay soo gaaray ciidamo katirsan booliiska Koonfur Afrika oo baaritaano wada.

Muwaadinkan Soomaaliyeed ee caawa lagu dilay Deegaanka Philip ee magaalada Cape Town ayaa sanadkii hore isla deegaankaan waxaa lagu dilay Walaalkiis oo isna lagu magacaabi jiray Ibraahim Xuseen Xasan (Koofurow).

Marxuunka caawa la dilay oo qoys ku lahaa magaalada Cape Town ayaa ahaa Wariye dhinaca Ciyaaradaha oo lasoo shaqeeyay Idaacadii Soomaaliweyn ee magaalada Muqdisho, waxaana sanadihii dambe u weecday dhinaca ganacsi isagoo kunoolaa K/Afrika.

Dalka Koomfur Afrika ayaa noqday dal si weyn loogu dilo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee nolosha u raadsaday, waxaana dalkaasi sanadihii lasoo dhaafay lagu dilay boqolaal qof oo Soomaali ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -