Allbanaadir.com
NEWS

Cali Jeyte oo Shakiyay iskana diiday Casuumad uu u fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cusmaan uu iska diiday casuumad uu u fidiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa ka dalbaday Cali Jeyte in uu yimaado magaalada Muqdisho, si ay uga wada hadlaan xiisada siyaasadeed iyo khilaafka ka dhashay xil ka qaadista uu ku sameeyay madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Sida aan xogta ku helnay Cali Jeyte ayaa dhagaha ka fureestay casuumada uu u fidiyay madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana guddoomiye Cali Jeyte galay tuhun la xariira haddii wadahadalada fashilmaan in xabsi guri lagu galiyo Muqdisho.

Cali Jeyte ayaa u sheegay dad u dhaxeeya isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh in uusan tageyn caasimadda dalka, waxa uuna dhankiisa madaxweynaha ku casuumay in uu yimaado Baladweyne.

Guddoomiyihii hore ee Hiiraan ayaa magaalada Baladweyne kaga dhawaaqay maamul cusub oo la yiraahdo Hiiraan State, waxa uuna Cali Jeyte meesha ka saaray gabi ahaan jiritaanka Hirshabelle, isagoona diiday in Hiiraan yimaadaan xubno katirsan maamulkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga doorashada oo fasaxay labo kamid ah Kuraastii Koonfur Galbeed laga hakiyay

Caydiid Ali

Goob ay ka socotay xaflad aroos oo Mar kaliya isku bedeshay Meyd iyo dhaawac (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo telfoon kula hadlay Erdogan ugana mahad-celiyay tallaabo uu qaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---