Guddiga doorashada oo fasaxay labo kamid ah Kuraastii Koonfur Galbeed laga hakiyay

Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka heer federaal ee (FIET) ayaa fasaxay Kuraasta kala ah Hop-103 iyo HOP-204 ee degaan doorashadooda tahay Koonfur Galbeed.

Waxaa sidoo kale guddiga sheegeen in lagu celinayo doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP154.

Arrintan ayaa timid ka dib markii gudoonka guddiga FEIT iyo xubno kale oo maanta booqday magaalada Baydhabo ay kulamo la qaateen madaxda Maamulka K/galbeed si xal looga gaaro khilaafkii ka dhashay saddex ka mid ah afar Xildhibaan oo guddigu dib u celiyey.

Cabdi Xiis Udan oo dhanka Maaliyadda u qaabilsan guddiga FIET  ayaa xaqiijiyay in kursiga Hop154 ee ay ku soo baxday Xildhibaan Sareedo aan loo marin habkii saxda ahaa, guddiguna uu go’aan ku gaaray in dib loogu laabto kursigaas.

Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo Guddoomiye Muuse Gelle uu hoggaaminayo iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa Baydhaba u tegay xal u helida khilaafkii ka dhashay natiijada kuraastaas.

Maamulka K/Galbeed ayaa ooda ka qaadaya in ka badan 70 Xildhibaan oo lagu xanibay Baydhabo, lagana hor joogsaday iney qaataan shahaadada sababo la xiriira khilaafkan.

- Advertisement -