Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo telfoon kula hadlay Erdogan ugana mahad-celiyay tallaabo uu qaaday

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan.

Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Erdogan mowqifka garab istaagga ah ee shacabka iyo dowladdu Turkigu ay ka muujiyeen faro-gelinta iyo xadgudubka Itoobiya ay ku sameysay madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuiyadda Federaalka Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa tilmaamay muhiimadda ay caalamka u leedahay xasilloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika, iyagoo xoojiyey doorka walaalaha Turkigu ay ka qaadanayaan dib u dhiska iyo dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaana telfoono kula hadlay madax kala duwan oo caalamka katirsan, kuwaa uu kala hadlayay xad-gudubka dowladda Itoobiya iyo damaceeda ku aadan in ay ku qaadato biyaha Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wargeys shaaciyay in Xiriir ka dhaxeeyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin iyo Ururka Al Qaacida !!

Cabdi Cade

Warar is diidan oo kasoo baxay Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal

Cabdi Cade

Indonesia oo Nin Soomaali ah u soo magacowday in uu masuul ugu noqdo Soomaaliya & Taliyaha cusub….

admin
Taboola Ads ---