Goob ay ka socotay xaflad aroos oo Mar kaliya isku bedeshay Meyd iyo dhaawac (Sawirro)

Qarax ayaa ka dhacay magaalada Kabul ee caasimada Afghanistaan kaasoo lala beegsaday goob ay ka socotay xaflad aroos.

Goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qof isku soo xiray walxaha qarxa uu isqarxiyay xilli lagu guda jiray xafladda arooska, iyadoo goobtii ay ka socotay xaflada arooska ay mar kaliya isku bedeshay qeylo, kala carar, dhimasho iyo dhaawac inkastoo tirakoobka khasaaraha ka dhashay qaraxan aan weli la soo saarin.

Lama oga cida qaraxan lala beegsanayey balse Deegaanka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa u badan dadka Shiicada oo mudooyinkan bartilmaameed u ahaa kooxaha jihaad doonka.

Ma jirto koox sheegatay masuuliyada qaraxan oo ka dhacay bariga caasimada Kabul.

Xiisad ayaa si aad ah u kacsanayd inkastoo ay jirto in Mareykanka iyo Taliban sida la sheegay ay qarka u saaran yihiin heshiis nabadeed iney qalinka ku duugaan kaasoo lagu soo afjarayo colaada mudada dheer ka taagneyd dalkaas.

Toban cisho ka hor ayey aheyd markii qarax xooggan lala beegsaday afaafka hore ee salhig booliis oo ku yaalla magaalada Kabul, waxaana ku dhintay 14 qof oo iskugu jiray askar iyo shacab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -