Nin Hubeesan oo dad ku laayay Kaniisad kutaala magaalada Qaahira (Daawo Sawirada)

Nin hubeesan ayaa dad badan ku dilay kaniisad kutaala Koonfurta magaalada Qaahira ee Caasimada dalka Masar , waxaana ciidamada amaanka baadi goob ugu jiraan ninkii weerarkaasi fuliyay.

Ciidamada amaanka ee ilaalada ka ahaa Kaniisada la weeraray ayaa toogtay nin hubeesan oo sidoo kale waxyaabaha qarxa ku xirnaayeen, hasa ahaatee nin kale oo hubeesan ayaa rasaas xoogan ku furay gudaha Kaniisada.

Inta la xaqiijiyay weerarkan waxaa ku dhintay sagaal qof oo la sheegay in sadex kamid ah ahaayeen ciidamada amaanka, waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacmay dhoor qof oo kale oo sugnaa kaniisada la weeraray.

Ciidamada amaanka ayaa baadi goob xoogan ugu jira ninka hubeesan ee weerarka ku qaaday kaniisada, waxaana ciidamada dadka ku wargaliyeen in ay soo sheegaan xogta ninkan la baadi goobayo.

Dalka Masar waxaa ka dhacay weeraro badan oo isugu jira qaraxyo iyo mid toos ah, waxaana weerarkan kusoo aadayaa xili dowlada ku dhawaaqday qorshe lagu adkeenayo amaanka Masiixiinta kunool Masar inta lagu guda jiro dabaal dega Ciida masiixiga iyo Sanadka cusub .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -