Qoys Mudo Sadex bilood ah ku dhax xayiran Garoon Diyaaradeed (Daawo Sawirada)

Qoys kasoo jeeda dalka Zimbabwe ayaa mudo sadex bilood ah ku dhax xayiran garoonka Diyaaradaha magaalada Bangkok ee Caasimada dalka Thailand.

Waaxda socdaalka Thailand, ayaa sheegtay in qoyskan kasoo jeeda dalka Zimbabwe  ay ka kooban yihiin afar canug oo aad u yar yar iyo afar qof oo kale waa weyn.

Qoyskan ayaa Bangkok tagay sadex bilood kahor, balse hadda waxay diidan yihiin in dalkooda dib loogu celiyo iyaga oo sheegay in ay cabsi badan dareemayaan.

Nin ka shaqeeya garoonka Diyaaradaha Bangkok ayaa soo dhigay Sawiro uu qoyskan ka qaaday isaga oo caawinaya, waxa uuna ninkan sheegay in qoyskan mudo sadex bilood agh ku xayiran yihiin garoonka Bangkok.

Afhayeenka waaxda socdaalka Pol Col Cherngron Rimphadee, ayaa sheegay in qoyskan ay dalka Thailand ku galeen dalxiis ahaan. Waxay isku deyeen in Bangkok ay ka duulaan  oo ay sii aadaan magaalada Barcelona ee dalka Spain,balse loo diiday in diyaarada raacaan.

Col Rimphahdee,  ayaa sheegay in qoyska ay Qaramada Midoobey ka dalbadeen megengelyo, laakiin weli ay ku nool yihiin garoonja Suvarnabhumi, laguna quudiyo garoonka gudihiisa.

Hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa dowlada Thaliland ka  dalbatay in qoyska ay sii joogaan Thailand ,inta laga shaqeynaayo hannaaanka dal seddaxaad loogu dirayo.

Qoyskan kasoo jeeda Dalka Zimbabwe ayaa diidan in dalkooda dib loogu celio, waxa ayna sheegeen in ay ka cabsanayaan in la dilo hadii dib loogu celio dalkooda Zimbabwe ay kasoo carareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -