Kalluun aad loo jecel yahay oo digniin culus laga soo saaray isticmaalkiisa (Daawo Sawirro)

Maamulka magaalada Gamagori ee bartamaha Japan ayaa dadka uga digayn inay ka fogaadaan kalluunkan sumeysan iyo waxyaabaha astaamihiisa leh. Fariinta dowladda hoose ayaa lagu faafiyay cod baahiyeyaal, waxaana la maqashiiyay dadka magaalada ku nool oo dhan.

Kalluunkan Fungi loo yaqaano ayaa ah mid aad qaali u ah, aadna loo jecelyahay, waxaana xitaa lagu cunaa ceyriinka ama inta la kariyo ayaa maraqiisa la cabaa.

Hase ahaatee Beerka kalluunkan iyo haragiisaba ayaa waxa uu leeyahay sun lagu dhinto, waxaana loo baahan yahay qof leh tabobar gaar ah, isla markaasna heysta shati uu shaqadaas ku qaban karo.

Ma jirto dawo qofka looga saari karo suntan haddii ay mar saaqdo, waxayna saamaysaa neerfaha, iyada oo marka dambe qofka ka dhigna curyaan ama dhimasho horseedda.

Waxaa la sheegay in dukaan magaaladaasi ku yaala uu si kama’ ah dad macaamiil ah uga iibiyay kalluunkan iyadoo aanan laga saarin beerka oo la sheegay inuu ka kooban yahay maaddo sumeysan oo ay dadka ku dhiman karaan.

Waa kalluun u baahan in aad looga taxadaro, beerkana laga saaro, iyada oo haddii uu dhoco qalad yar oo dhanka diyaarinta ah loo dhiman karo, waxaana Sanad kasta lasoo tabiyaa dad ku sumoobay kalluunkan oo lagu magacaabo Fungu.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -