Xaguu ku dambeeyay Amarkii Duqa Muqdisho ee ku aadanaa in la baneeyo Dhulka Jardiinooyinka Muqdisho ?

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa 3-dii bishii July ee sanadkan soo saaray wareegto uu ku baabi’iyay dhammaan heshiisyadii lagu bixiyey dhulka Jardiinooyinka Muqdisho.

Wareegtada kasoo baxday Duqa Muqdisho ayaa lagu amray Ganacsatada goobaha jardoonooyinka ka dhistay Hoteelada iyo goobaha ganacsi in muddo 30 maalmood gudohood ah ay ku banneeyaan dhulka Jardiinooyinka ah .

Waqtigii uu Duqa magaalada Muqdisho u qabtay ganacsatada dhisatay dhulkii Jardoonooyinka Muqdisho waa la dhaafay, mana jirto ilaa hada cid u hogaansantay amarka kasoo baxay Duqa Muqdisho oo baneesay dhulka Jardiinooyinka.

Goobaha Jardiinooyinka ah ee la amray in la baneeyo ayaa intooda badan waxaa ku yaala kaalimo shidaal ,Hoteelo iyo goobo kale oo ganacsi, waxaana inta badan goobahaasi leh ganacsato magac iyo saameyn badan ku leh Muqdisho.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir wali kama uusan hadlin in xal laga gaaray amarkii uu bixiyay si hoosana loo xaliyay iyo in kale, sidoo kale kama uusan hadlin waxa keenay in uusan amarkiisa dhaqan galin.

Dadka Muqdisho ayaa si weyn u hadal haya waxa keenay in amarka Duqa Muqdisho fuli waayo, dadka qaarkood ayaa aaminsan in uu dhacay is afgarad hoose oo dhax maary maamulka gobolka uu Hogaamiyo Yariisow iyo Ganacsatada heesata goobaha Jardiinooyinka.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in ganacsatada lacago badan isku dar dareen kuna qanciyeen maamulka gobolka Banaadir si looga laabto amarka looga saarayo goobaha Jardiinooyinka Muqdisho.

Wareegtadii kasoo baxday Duqa Muqdisho ayaa waxaa ku xusnaa in sababaha loo baabi’iyay heshiisyadii lagu bixiyay Jardiinooyinka ay qeyb ka tahay in lacag yar ku kireesan yihiin, lamana oga in hada maamulkan loo kordhiyay kacagta kirada .

Duqa Muqdisho Eng Yariisow ayaa marar badan soo saaray amaro aysan waxbo ka dhaqan galin, waxa ayna dadka siyaasada falanqeeya ku tilmaameen amara maamulka Gobolka Banaadir in ay tahay hala sheego oo kaliya balse la ogyahay in aysan dhaqan galeyn.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhawaan si xoog ah ku bur buriyay guryo ay dad shacab ah ka dhisteen dhul dan guud ah, waxaana la isweediinayaa waxa shacabka kaliya loo beegsanayo oo looga xishoonayo ganacsatada iyo dadka kale ee heesta dhulka danta guud.

Hogaanka maamulka gobolka Banaadir ayaa tan iyo markii la magaacabay ku mashquulay khilaaf dhaxdooda ah oo ku saleysan awooda iyo sidoo kale soo saarista amaro aysan jirin ilaa hada wax ka dhaqan galay.

 

Halkan ka Akhriso Wareegtadii Muqa Muqdisho uu horey Jardiinooyinkan uga soo saaray

Duqa Muqdisho oo baabi’iyey heshiiyadii lagu bixiyey Jardiinooyinka Muqdisho (Akhriso Digreeto)

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -