Itoobiya oo sheegtay iney duqeyn cirka ah ku leysay 70 ka tirsan Al-shabaab

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in duqeyn cirka oo ay ciidamadeeda ka fuliyeen meel ka mid ah Soomaaliya ay ku dileen ugu yaraan 70 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab.

Warkan oo ay baahisay warbaahinta dowladda Itoobiya taageerta ee Fana ee fadhigeeduyahay Addis Ababa ayaa lagu sheegay in duqeyntan ay ciidamada Itoobiya u fuliyeen si ay u fashiliyaan weerar ay al-shabab qorsheynaysay inay ku qaadaan guutada ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya, ee AMISOM.

Warkan ayaa lagu sheegay in duqeynta sidoo kale lagu burburiyay laba gaari oo uu hub ugu rarnaa Al-shabaab.

Idaacadda Fana ayaa soo xigatay Taliyaha ciidamada cirka ee Itoobiya General Yilma Merdassa, oo sheegay in duqeynta ay aheyd mid qorsheysneyd oo laga baaraan deggay, isla markaana 100% ujeedadii ay ka lahaayeen ay gaareen.

Warkan laguma sheegin goobta iyo xiliga uu weerarkan dhacay, mana jirto cid ka madax banaan Itoobiya oo xaqiijineysa.

Inkastoo ciidamada Itoobiya ay qeyb ka yihiin ciidamada AMSIOM haddana loogama baran weeraro dhinaca cirka ah iney ka geystaan gudaha Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -