Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax uu ku dhaawacmay Xildhibaan oo goor dhow ka dhacay Muqdisho & darawalkiisa oo ku dhintay

Xildhibaan ka tirsan baarlamanka Somalia ayaa ku dhaawacmay Qarax gaarigiisa loogu xiray oo goor dhow oo caawa ah ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Tiyatarka Qaranka oo ku dhow xarunta Madaxtooyada dalka.

Xildhibaanka qaraxa ku dhaawacmay waxaa lagu magacaabaa Xildhibaan Maxamed Mursal Maxamuud (Boorow), iyadoo qaraxa uu ku dhintay darawalkii gaariga u waday

Wararka ayaa sheegaya in gaariga xildhibaanku uu qarxay xili uu ka gudbayey Koontaroolka Ciidanka ilaalada madaxtooyada ku leeyihiin ka soo horjeedka Tiyaatarta Qaranka.

Qaraxa ayaa laga maqlay meelo badan iyadoo ciidamada amaanku ay xireen wadooyinka soo gala goobta uu ka dhacay, waxaana dab xoogan uu qabsaday gaariga qarxay oo halkaas ku basbeelay.

Lama heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaca soo gaaray xildhibaan Boorow oo loola cararay goobaha caafimaadka sida ay inoo sheegeen xildhibaano kale oo saaxiibadiis ah.

Wixii ka soo kordha qaraxan kala soco wararkeena ugu horeeya Insha ALLAAH.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Iran oo xukun dil ah ku fulisay nin basaas u ahaa Mossad

Caydiid Ali

Shir ay isugu yimadeen dowlada Somalia & beesha caalamka oo Muqdisho ka dhacay (Sawirro)

Caydiid Ali

(Akhriso) Rooble oo wareegto ku Magacaabay guddi ka kooban 33 xubnood oo loo xilsaaray..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---