Jaamacadda Jazeera oo xaflad soo dhawayn ah u samayay arday cusub (Daawo Sawirada)

Maamulka Jaamacadda Jazeera ayaa munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay u samayay ardayda cusub ee soo dooratay sanadkaan Jaamacadda, iyadoona munaasabadaan ay ka soo qaybgaleen madaxda mu’asasada Jaamacadda, maamulka, waalidiinta  iyo barayaasha Jaamacadda Jazeera, kuwaas oo aad ugu wada faraxsanaa bilaabashada duruusta sanadka 2018 / 2019

Prof Salaad Ibraahiim Fiidow gudoomiyaha Jaamacadda Jazeera ayaa soo dhawayn ka dib uga mahadceliyay  ardayda cusub iyo waalidiintoodaba doorashadooda Jaamacadda Jazeera, isagoona ballan qaad u sameeyay, taas oo ah iney ka soo bixi doonaan kalsoonida la siiyay iyo waxa laga filayo oo ah in ardaydu helaan tacliin sare oo aad u tayaysan, wuxuuna ugu dambeyn ugu baaqay ardayda iney ka faa’iidaystaan fursadaha ay haystaan oo aysan dayicin waqtigooda qaaliga ah.

Hormuudyada kala duwan ee Jaamacadda Jazeera ayaa si isku mid ah u soo wada dhaweeyay ardayda cusub ee soo dooratay Jaamacadda Jazeera, iyagoona u sheegay ardayda iney ugu adeegi doona sidii quruxda badnayd ee ugu adeegeen ardaydii iyaga ka horeysay, waxay kaloo sheegeen hormuudyadu iney diyaar ula yihiin ardayda cusub barayaal wanaagsan oo aad ugu haboon waxbarista ubadka soomaaliiyeed iyo ilaalimta anshaxa wanaagsan ee umadeenna.

Prof C/llaahi Maxamed Xaamud agaasimaha maamulka iyo maalidda Jaamacadda Jazeera ayaa ardayda cusub u sheegay xilliga waxbarashu bilaabanayso iyo xarumaha Jaamacadda ee kulliyad kasta ay waxbarashadooda ku qaadanaayaan, isagoona intaa sii raaciyay iney ilaaliyaan ardaydu dhaqanka wanaagsan ee Jaamacadda u dagsan iyo guud ahaan kan wadanka, wuxuuna amaanay waalidiintii ku soo dadaashay waxbarista ardayda.

Ugu dambeyn Prof C/qaadir C/llaahi Aadam (Ustaad Gadaf) oo ka mid ah maamulka sare ee Mu’asasada Jaamacadda Jazeera ayaa uga warbixiyay ardayda cusub iyo waalidkoodba xiriirka wanaagsan ee Jaamacaddu la leedahay gudaha iyo dibadda, isagoona sheegay iney Jaamacadda Jazeera mudadii ay jirtay xoogga saaratay tayada tacliinta sare iyo dhaqan wanaagga, wuxuuna intaas raaciyay in xiriirka Jaamacadda ee gudaha iyo dibadda uu aad u wanaagsanyahay, iyadoona xiriiro kala duwan la leh Jaamacado Caalami ah, kuwa Carabta, kuwa Africa iyo ururo ku howlan tayada waxbarashada Jaamacadaha.

Jaamacadda Jazeera oo looga bartay tayo iyo tarbiyo wanaagsan ayaa diyaar ula ah bulshada soomaaliyeed ee waxbarashada jecel kulliyadaha kala ah Medicine & Surgery, Engineering & Tech, Computer Science & IT, Health Science, Public Health, Agriculture, Veterinary Science, Economics & Business Management, Geology  & Education.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -