Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan iyo Xukuumadda dalkaas u diray dhambaal tacsi ah oo ku saabsan muwaadiniinta ku geeriyooday qaraxa ka dhacay goob laga qodo dhuxul-dhagaxa oo ku taalla waqooyiga dalkaas.

Madaxweynaha oo tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la qeybsanayaan muragada walaalahooda dalka Turkiga ayaa u rajeeyey dadka dhaawacayadu soo gaareen in Eebbe u booga dhayo.

“Anigoo ku hadlaya magaca dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaan tacsi tiiraanyo leh gaarsiinaynaa dowladdaada iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Turkiga oo la muragaysan dhibaatada ka dhacday Gobolka Bartin.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey muwaadiniinta Turkiga ee ku nafwaayey qaraxaas in Alle u naxariistiisa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo ehelkooda iyo dowladdooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynihii hore ee Mareykanka oo geeriyooday isaga oo 100-sano jir ah

Cabdi Cade

Abay Weldu & Dr. Abraham Tekeste oo iyagoo jeebeysan laga dejiyey Addis ababa (Sawirro)

Caydiid Ali

Xassan Shiikh: “Fahad Yaasiin wuxuu dalka ka wadaa dumin Siyaasadeed, kamana yeelayno”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---