Iran ayaa dil ku fulisay “jaajuus sare” oo lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay hay’adda sirdoonka Mossad ee Israa’iil, sida uu sheegay garsooreheeda.
Mohsen Langarneshin, oo la deldelay subaxnimadii Arbacada, ayaa Mossad siinayay “taageero la xiriirta saadka, farsamada iyo hawlgalada” muddo laba sano ah, laga bilaabo 2020 sida garsoorka dalkaas uu sheegay.
Mid ka mid ah eedeymaha muhiimka ah ee ka dhanka ah Langarneshin ayaa ah ku lug lahaanshaha dilkii May sanadkii 2022 loo geystay Kornayl ka tirsanaa Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah oo la oran jiray  Sayyad Khodai, kaasoo ay toogteen labo nin oo mooto bajaaj watay xilli uu ku sii jeeday gurigiisa oo ku yaal magaalada Tehran. Sida uu qoray wargeyska The New York Times, Israa’iil waxay ku wargelisay Maraykanka inay iyadu mas’uul ka tahay dilkaas.
Wakaalada wararka Mizan ayaa soo warisay in Langarneshin uu iibsaday mooto si uu ula socdo dhaq-dhaqaaqa Khodai, uuna xogta u gudbiyay Mossad uuna goobjoog ka ahaa dilka. Intaa waxaa dheer, waxaa lagu eedeeyay inuu taageeray weerar lagu qaaday goob warshadeed oo ku taal Isfahan, oo xiriir la leh Wasaaradda Difaaca iyo Saadka Ciidamada Qalabka Sida ee Iran.
Iran waxay soo xigatay “Sirdoon ballaaran iyo cadeymo farsamo” oo Langarneshin ku xiraya hawlgalladan, waxayna sheegtay inuu “si buuxda u qirtay” ku lug lahaanshihiisa.
Hase ahaatee, Mahmood Amiry-Moghaddam, oo ah madaxa laanta xuquuqul insaanka Iran ee fadhigeedu yahay Norway, ayaa sheegay in Langarneshin la xukumay ka dib maxkamadayn cadaalad darro ah iyo qirasho lagu helay jirdil.
“Mashiinka fulinta ee mas’uuliyiinta Iran ayaa sii dardargelinaya maalin kasta, iyagoo dilaya nolosha dad badan,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP, isagoo ku tilmaamay dilalkan kuwo sharciga ka baxsan