Xildhibaan Mahad Salaad oo Madaxweyne Xaaf ku eedeeyey khilaafka ka taagan Galmudug

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan baarlamanka Somalia ayaa ka hadlay khilaafka ka dhex aloosan madaxda sare ee Galmudug oo saacadihii ugu dambeeyey cirka isku shareeray.

Qoraalka uu soo soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in Madaxweyne Xaaf uu masuul ka yahay khilaafka cusub ee ka taagan madaxda Galmudug, uuuna doonayo muddo kororsi sharci daro ah iyo inuu sharciga baal maro, waxaana qoraalka Mahad Salaad uu u qornaa sidan:-

Madaxweyne XAAF malaga gardaran yahay mise isaga ayaa gardaran markaan?

Madaxweyne Xaaf waa markii labaad ee uu soo abaabulo mooshin xilka looga qaadayo Gudoomiye Cali Gacal Casir. Gudoomiye Casir na waa markii labaad ee uu qabto mooshin xilka looga qaadayo Madaxweyne Axmed Ducaale Geele (Xaaf).

Madaxweyne Xaaf markii mooshinkii hore laga keenay waa laga gardarnaa sida aan aaminsanahay. Waxaanan kamid ahaa Xildhibaano tagay magaalada Cadaado si loo xaliyo khilaafkii ka dhaxeeyay Madaxweyne Xaaf iyo Gudoomiye Casir oo ay ku garab ahaayeen inta badan Xildhibaanada Galmudug, iyo madaxda sare Villa Soomaaliya. Waan u hiilinay Madaxweyne Xaaf hiil aan qarsoonayn oo suura geliyay in ay fashilmaan dhamaan isku dayadii la rabay in xilka looga tuuro.

Maanta xaalku sidii hore waa ka duwanyahay oo Madaxweyne Xaaf isaga ayaa weerar ah. Sababtuna waxay tahay isaga oo isku qaatay dhamaan awoodihii dastuuriga ahaa ee ay lahaayeen Barlamaanka iyo madaxdii kale Galmudug ee la doortay. Rabana si baalmarsan sharciyadii Galmudug lagu dhisay in uu sameysto mudo kororsi afar sano ah oo cusub isaga oo cidna aan ka talo gelin.

Waxaana meesha ka muuqata in madaxda Galmudug aysan isla shaqeyn karin, ayna ku fashilmeen hogaaminta Galmudug. Sidaas daraadeed waxaan ku talin lahaa labada Barlamaan ee kala fadhiya Dhuusamareeb iyo Cadaado inla isku keeno ayna doortaan madax cusub oo samata bixisa Galmudug, gaarsiisana doorasho xor iyo xaal ah oo ka dhacda dhamaan deegaanada Galmudug bisha JULY ee sanadka 2019 oo ah waqtiga uu ku egyahay mudo xileedka madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Mahadsanidiin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -