Mooshin Xil ka qaadis ah oo goordhaw laga gudbiyay Madaxweynaha Galmudug

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka maamulka Galmudug oo goordhaw Shir xasaasi ah ku yeeshay magaalada Cadaado ayaa waxa ay diyaariyeen mooshin ka dhan ah Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa ku eedeeyay Xaaf in uu ku xad gudbay dastuurkii u yaalay maamulkaasi, waxa ayna sheegeen in uu sameeyay dastuur jeebkiisa ah.

Waxa ay sidoo kale Xildhibaanada ku eedeeyeen Madaxweyne Xaaf in uu ku dhaqaaqay Musuq maasuq sidoo kale uu hareer maray awood qeybsiga beelaha dega deegaanada maamulka Galmudug.

Xildhibaanada Galmudug garabka ku sugan magaalada Cadaado oo hogaamiyo Cali Gacal Casir ayaa la filayaa in beri magaalada Cadaado kulan ku yeeshaan xilkana uga qaadaan Madaxweynaha Galmudug.

Mooshinkan xilka looga qaadayo Madaxweynaha Galmudug Xaaf ayaa imaanaya xili maalin kahor Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Galmudug oo ku shiray magaalada Dhuuso Mareeb sheegeen in xilka ka qaadaan Gudoomiyaha Baarlamanaka Galmudug .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -