Nabad sugida Jubbaland oo soo bandhigtay nin soo xirtay lebiska Dumarka (Daawo Sawirro)

Ciidamada Nabad suggida Maamulka Jubbaland ayaa soo qabtay nin xirnaa dharka dumarka oo ku sugnaa Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

War ka soo baxay Nabad sugida Jubbaland ayaa lagu sheegay in Ciidamada Ammaanka xog ay heleen ay sahashay in ninkan gacanta lagu soo dhigo, ayna wadaan baaritaano la xiriira ujeedada ka dambeysa.

“Ciidamada Nabad Sugida Jubbaland ayaa xaley gacanta Kusoo dhigey nin iska dhigey Haweeney lana baxay magaca Farxiyo Okey. Ninkan Naagta Isku ekeysiiyay ayaa laba Habeen  seexday Guri ku yaalla xaafadaha magaalada Kismaayo oo ay deganayeen laba dumar ah kuwaas oo uu u sheegay Inay soo dhuntay ayna Garaneyn meel ay Tagto Baaritaan kadibna waxa Gacanta ku soo dhigey Sirdonka NISA-Jubbaland “ayaa lagu yiri war ka soo baxa taliska Nabadsugida Jubbaland.

Lama oga ninkan waxa ku kalifay inuu arrimahan ku kaco, mana ahan markii ugu horeysay ee nin soo lebistay dharka dumarka lagu qabto magaalooyin ka tirsan dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -