Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Xoogan oo goordhaw ka dhacay Banaanka hore ee Dekadda Muqdisho

Waxaa goordhaw qarax aad u xoogan oo lsmiidaamin ah uu ka dhacay afaafka hore ee dekadda magaalada Muqdisho, qaraxan ayaana jugtiisa si weyn looga maqlay inta badan Caasimada.

Sida aan wararka ku heleyno qaraxan ayaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana qaraxan lagu weeraray xarunta laanta ilaalaha canshuuraha oo kutaala kasoo horjeedka dekadda Muqdisho.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in uu qaraxan ka dhashay, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray gaadiidka amblaaasta deg dega oo goobta ka qaadaya dadka qaraxan ku dhaawacmay.

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa xiray goobta uu qaraxu ka dhacay iyo wadooyinka soo gala, waxaana halka uu qaraxu ka dhacay laga dareemayaa xaalad adag waxaana goobta yaala dad ku dhintay qaraxa iyo kuwa ku dhaawcamay.

Waxii warar ee kusoo kordha qaraxan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo Magacaabay Raisul Wasaare Ku meel gaar ah

Caydiid Ali

Rooble oo kulan la qaatay hogaanka cusub ee Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda (Sawirro)

Caydiid Ali

Shirkadaha Korontada oo Midoobay iyo Ra’isul Wasaare Xamse oo marqaati ka noqday (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---