Wadahadalo u socday Sacuudiga iyo Qatar oo fashilmay iyo Xog ku aadan Sababta

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Qatar ayaa sheegay in wadahaddaladii u dhexeeyey Doha iyo Riyadh si loo dhameeyo khilaafka dublumaasiyadeed ee ka dhex aloosan uu haatan hakad galay, iyadoo dublumaasiyiinta iyo khubarada siyaasadda ka faallooda ay sheegayaan in wadahadalladaasi la isku mari waayay.

Afartan dowladood ayaa ku eedeeyey Doha iney taageerto waxa ay ugu yeereen kooxo mayal adag sida ururka Ikhwaanul Muslimiin iyo iney raadineyso iney cilaaqaad dhow la sameysato dalka ay Sacuudiga xafiiltimaan ee Iran. Qatar ayaa beenisay dhamaan eedahaasi.

“Saddex sano ah ayaa ka soo wareegtay ilaa markii uu khilaafkani bilowday. Ma ihin kuwa khalalaasahan abuuray, waxaanna ahayn marwalba kuwa u furan inaan soo afjarno xiisaddan, Nasiib-darro, dedaallada socday ma aysan guuleysan waxaana la hakiyey bilowgii bishii January” ayuu shirka arrimaha ammaanka caalamka ee ka socda magaalada Munich ee dalka Germany ka sheegay Wasiirka Arrimaha Debedda ee Qatar Maxammed bin Cabdulrahman Al-Thaani.

Laba dublumaasi oo ku sugan Doha ayaa sheegay ineysan muuqan wax saan saan ah oo ku aaddan in wadaxaajoodka dib loo soo nooleeyo mustaqbalka dhow.

Wargeyska Asharq Al-Awsat ayaa ka soo xigtay dublumaasi Khaliiji ah oo aysan magacaabin in Sacuudigu ay isaga bexeen wadahadalka sababtoo ah kooxda wadaxaajoodka ee Qatar “ma aaney u muuqan iney ka go’an tahay iney ka miradhaliyaan wadahadalka.”

Hase ahaatee Wasiirka Arrimaha Debedda ee Qatar ayaa sheegaya in Doha aysan mas’uul ka aheyn hakinta wada hadallada, ayna wali diyaar u tahay iney halkoodii ka sii socdaan.

Boqortooyada Sucuudiga oo ay wehliyaan xulufadeeda Imaaraatka Carabta, Bahrain iyo Masar ayaa bishii June ee sanadkii 2017-kii jaray dhamaan xiriirradii dublumaasiyadeed, gacansi iyo socdaal ee ay la lahaayeen dalka Qatar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -