Dil argagax leh oo ka dhacay xaafad katirsan magaalada Muqdisho

Dil dad badan ay ka argagaxeen ayaa ka dhacay xaafada Towfiiq ee degmada Yaqshiid, waxaana dilkaasi la sheegay in nin kamid ahaa dadka deegaanka  uu u geestay xaaskiisa.

Sida aan Wararka ku helnay nin  magaciisa lagu sheegay Cabdi Cali Yuusuf ayaa xaaskiisa ku gowracay xaafada Towfiiq ee degmadsa Yaqshiid, walina lama oga sababta keentay in ninkan dilo xaaskiisa.

Nin la dhashay gabadha la gowracay ayaa Warbaahinta u sheegay in guriga ugu tageen walaashiis oo qoorta laga gowracay, waxa uuna xusay in ninkii falkaasi geestay uu baxsaday balse markii dambe la qabtay.

Waxa uu sheegay marxuumada walaalkeed in aysa wali ogeyn waxa sababay falkan ay aadka uga argagaxeen, waxa uuna xusay in aysan ogeyn dhibaato ka dhax jirtay walaashiis iyo ninka qabay ee dilka u geestay.

Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka ayaa marar badan waxaa ka dhaca dilal aad looga argagaxo, waxaan dilalkaasi qaarkood isku geestay lamaane is qabay halka kuwa kalana isku geesteen waarid iyo caruurtooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -