Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgalka ATMIS kala wareegay saldhigii labaad (Sawirro)

Taliska Ciiddanka Xoogga Dalka oo fulinaya heshiiskii la wareegidda amniga guud ee dalka ayaa maanta howlgalka ATMIS kala wareegay saldhigga Mirtaqwo ee dowlad gobolleedka Hirshabelle, kaasoo xarun aheyd ciidamada Difaaca Qaranka Burundi (BNDF).

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidan oo kale maalin ka hor kala wareegay howlgalka ATMIS saldhigga ciidanka Xaaji Cali ee dowlad goboleedka Hirshabelle oo isna xarun u ahayd ciidamada Difaaca Qaranka Burundi.

Xilwareejinta masuuliyada amniga oo udhaceysa si tartiib tartiib ah ayaa waafaqsan qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSCR) 2628 (22) iyo 2670 (22) kaasoo faraya ATMIS inay saarto 2000 oo askari dhammaadka Juun 2023.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Khawaarijta Al-shabaab kala wareegay dhul balaaran taasoo soo dadajisay in lagu kolsoonaado awoodda Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Shalay ayey aheyd markii ciidanka Xoogga dalka ay howlgalka ATMIS kala wareegeen saldhigii ay ku lahaayeen degaanka Xaaji Cali oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulamo xasaasi ah oo caawa ka kala socda hoyga Guddoomiye Mursal & Villa Somalia

Caydiid Ali

(Sawirro) Madaxweyne Biixi oo gaaray Boorama, xarigana ka jaray Mashruuc cusub

Caydiid Ali

Xukun Adag oo lagu riday Maamule Imtixaan u galay Askari AMISOM katirsan (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---