Allbanaadir.com
NEWS

Villa Somalia oo War ka soo saartay shirkii Asmara

WAR SAXAAFADEED

Shir saddex-geesood ah oo ay ku kulmeen Madaxweynayaasha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ereteriya Mudane Asias Afwerk iyo Masar Mudane Cabdullfataax Alsiisi ayaa ku qabsoomay magaalada Asmara, halkaas oo ay ku falanqeeyeen arrimaha la xiriira xasilloonida gobolka, iskaashiga saddex-geesoodka ah iyo amniga marin-badeedka Badda Cas iyo Baabu Al-Mandab.

Shirkan oo muhiimad gaar ah leh ayaa Madaxdu isku weydaarsadeen aragtiyo iyo qorsheyaal ku saabsan xoojinta nabadda iyo horumarka gobolka, taageerada midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, caqabadaha amni ee saameeya dalalkan kulaala Badda Cas iyo sidii iskaashi buuxa looga yeelan lahaa ilaalinta iyo nabadgelyada marin badeedkaasi.

Madaxweynayaasha oo ay wehelinayaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Ereteriya iyo Masar ayaa adkeeyey in iskaashi dhow iyo wada shaqeyn joogto ah lagu xallin karo caqabadaha ka jira gobolka, waxayna isla qaateen in la xoojiyo xiriirka dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa dalalka Masar, Mudane Cabdulfataax Alsiisi, iyo Ereteriya, Mudane Asias Afwerk, sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga dalalkan bahwadaagta ah, isagoo soo bandhigay aragtida dowladda Soomaaliya ee ku salaysan daris wanaagga iyo ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dalkeenna.

DHAMMAAD

Related posts

Madaxweyne Laftagareen oo si weyn loogu soo dhaweeyay Caasimadda KGS (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’iaul Wasaare Xamse oo Ammar dagaal siiyay wasiirrada iyo Hay’adaha kale ee dowladda

Cabdi Cade

Siciid Deni oo arrimo dhowr ah kala hadlay Mrs. Karin Johannson

Cabdi Cade
Taboola Ads ---