Allbanaadir.com
NEWS

Laftagareen oo xalay u dabaaldegay Sanadguuradiisii Lixaad (Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb galay xuska sanad-guuradda lixaad Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo lagu qabtay Magaaladda Baydhabo ee xarunta KMG ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sidoo kale ka qeyb galay munasabadaas

Xafladda xuska sanad guuradda lixaad ee Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Wasiiro iyo Xildhibaano heer federaal iyo heer dowlad goboleed iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada  Magaaladda Baydhabo.

Waxaa munaasabadaas laga jeediyey khudbado kala duwan oo la xiriira waxqabadkii Madaxweyne laftagareen ee lixdii sano ee la soo dhaafay.

Waxaa sidoo kale munaasabadaas Heeso iyo suugaan kale ka qaaday fanaaniin kala duwan, kuwaasoo ka turjumayey horumarka ka jira degaanada Koonfur galbeed.

Related posts

Waxyaabihii Cajiibka ahaa ee aan ku arkay magaalada Dhoobleey !!!

Cabdi Cade

Xil ka Qaadis lagu sameeyay Wasiiro iyo Agaasimayaal Musuq maasuq loo heesto (Akhriso)

Cabdi Cade

Madaxweyne Biden oo ka laabtay talaabo uu Trump ka qaaday reer Falastiin

Caydiid Ali
Taboola Ads ---