Iran oo eedeymo culus u jeedisay 20 dal oo ay ku jiraan Sacuudiga & Imaaraadka

Sarkaal ka tirsan sirdoonka Iran ayaa sheegay in Mareykanka iyo Faransiiska ay ka mid yihiin 20 dal oo ku lug lahaa dibad-baxyo dalka oo idil ka dhacay sanadkii tegay oo ka dhashay geerida Mahsa Amini.

Dibad-baxyada ayaa dillaacay 16-kii September kadib markii ay xabsiga ku geeriyootay Amini oo aheyd 22 jir Kurdish Iranian ah kadib markii loo xiray inay jebisay xeerka adag ee labiska haweenka Iran.

Boqolaal qof ayaa la dilay, oo ay ku jiraan tobaneeyo shaqaalaha amiga ah, islamarkaana kumanaan ayaa loo xiray wax ay saraakiisha ugu yeereen “rabshado” ay sheegeen inay huriyeen dalal shisheeye kadib dhimashadii Amini.

“Baaritaano ay sameeyeen adeegga sirdoonka ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ayaa tilmaamaya in qiyaastii 20 dal ay ku lug lahaayeen rabshadaha,” waxaa sidaas yiri madaxa sirdoonka General Mohammad Kazemi.

Kazemi ayaa sheegay in Mareykanka, UK, Faransiiska, Jarmalka, Canada, Biljam, Talyaaniga iyo Israa’iil ay ka mid ahaayeen dalalka ku lugta leh hurinta dibad-baxyada, sida laga soo xigtay wareysi uu siiyey warbaahinta dowladda.

Sacuudi Carabiya, oo dhowaan Iran ay dib ula billowday xiriir diblomaasiyadeed kadib toddoba sano oo hakad ah, iyo Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale ku lug lahaa, ayuu Kazemi ku sheegay wareysiga oo lagu daabacay website-ka hoggaamiyaha sare Ayatollah Ali Khamenei.

In badan oo ka mid ah dalalka uu sheegay ayaa si shaacsan taageero ugu muujiyey dibad-baxyada, waxayna Iran iyo ciidamadeeda amniga kusoo rogeen cunaqabateyno la xiriira xoog ku maquuninta dibad-baxayaasha.

Kazemi ayaa sidoo kale tuhmay in hay’adaha sirdoonka Imaaraadka iyo Israa’iil “ay kulamo goos goos ah ku qabsadeen dal Carbeed si ay u taageereen dhibaatada” Iran, isaga oo aan sharaxaad bixin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -