Wararkii Ugu Dambeeyay dagaal xooggan oo Maalintii saddexaad ka socda Sudan iyo Dhimashada oo…

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada milatariga dalka Sudan iyo ciidamada gaarka ah ee gurmadka degdega ee RSF ayaa maalintii saddexaad oo xiriir ah ka socda magaalada Khartuum ee caasiimadda dalka Sudan.

Dagaalka ayaa xalay ilaa saakay ka socda qeybo kamid ah magaalada Khartuum, labada dhinac ayaana iska dhaafsanaya hub aad u culus, waxaana dagaalka qeyb ka ah diyaaradaha dagaalka ay adeegsanayaan milatariga.

Wararka laga helayo magaalada Khartuum ayaa sheegaya in dagaalka socda uu kusii fidayo deegaanno hor leh, labada ciidan ee iska soo horjeeda ayaana mid kasta guulo ka sheeganayaa dagaalka socda maalintii saddexaad.

Dad ku dhaw 100-qof ayaa ku dhintay dagaalka socda maalintii saddexaad, halka ay ku dhaawacmeen boqolaal qof oo kale oo lagu daweenayo isbitaalada, waxaana laga cabsi qabaa khasaaraha inta hadda la og yahay in uu kasii bato.

Dhakhaatiirta ayaa ka digay in xaalada isbitaalada magaalada Khartoum ay tahay mid aad u adag, isla markaana dagaalku uu yahay mid joojinaya shaqaalihii iyo agabkii caafimaadkaba in la gaarsiiyo dadka dhaawaca ah.

Shacabka ku dhaqan magaalada Khartuum ayaa in badan oo kamid ah magaalada isaga qaxeen, waxaana wali jira dad badan oo ku go’doonsan xaafadaha qaar ee sida xooggan uu dagaalka uga socdo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -