Dacwaddii badda ee u dhexeysay Somalia iyo Kenya oo marxalad cusub gashay

Soomaaliya ayaa shaacisay inay gudbisay Jawaabihii laga sugaayay ee ku aadan dacwadda Badda ee kala dhaxeysa dowladda Kenya taasoo hor taalla Maxkamada caalamiga ah ee Cadaalada

Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in maadaama Maxkamadda caalamiga ah ay aqbashay inay qaado dacwadan in dowladda Soomaaliya ay gudbisay dhammaan Jawaabihii laga rabay.

Waxaa uu sheegay in hadda uu bilowday waji cusub oo ah in Soomaaliya iyo Kenya Cidwalba waxa ay ku doodayso in ay keento Cadeyntooda, maadaama hadda loo gudbay sheegashada lahaansha.

“Waxaa bilaabanaya wareeg cusub oo dal weliba ku soo bandhigi-doono dacwadiisa iyo xujo waxaa uu haayo, si go’aan kama dambeys ah looga gaaro xariiqda xadka biyaha ee labada dal” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Qaranka oo intaas ku daray in dhinaca Kenya laga rabo iney geeyaan jawaabahooda illaa 18ka Disembar ee sanadkan.

Soomaaliya waxay ku eedeysay Kenya in marar badan ay ka baaqsatay inay ka qeyb gasho wadahadallo labo geesood ah oo looga xaajoon lahaa xallinta muranka labada dal.

Labada dal waxay sheegayaan lahaanshaha dhul badeed bedkiisu uu gaarayo 142 kun oo km oo labo jibbaaran, waxayna sidaasi darteed Soomaaliya ka dalbatay maxkamadda inay xadeyso xaduuda badda ee labada dal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -