Abaabul xilka looga qaadayo Madaxweyne Xaaf oo ka socda Cadaado & Xildhibaano ku qulqulaya

Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya inuu maanta halkaasi tegay Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo la socday.

Xubnaha uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa ku sugnaa Magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay Magaalada Cadaado.

Waxa kaloo magaalada Cadaado maanta ku wajahan Gudoomiyihii Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo ay la socdaan xidhibaanno kale oo ka tirsan Baarlamanka maamulkaasi, waxayna wararku sheegayaan inay Cadaado ka bilaaban doonaan shirar ay leeyihiin xidhibaannada maamulkaasi Garabka Cadaado oo la filayo inay xilalka ka qaadaan madaxweyne Xaaf iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed.

Khilaafka Siyaasadeed ee ka dhex taagan Madaxda Galmudug ayaa cirka isku shareeray markii Baarlamaanka Galmudug qeybta Ahlu suna ay shaaciyeen inay xilkii ka qaadeen Guddoomiye Cali Gacal Casir.

Maamulka Galmudug ayaa qarka u saaran inuu laba qeybood u kala jabo, iyadoo laga cabsi qabo inuu yeesho laba Baarlamaan iyo laba madaxweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -