Ciidamada NISA oo Muqdisho ku qabtay xubin katirsan Amniyaadka Al Shabaab

Ciidamada Nabad sugida Soomaaliya ayaa howl gal xalay ay ka fuliyeen Degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir waxa ay kusoo qabteen nin la sheegay in uu katirsanaa Amniyaadka Al Shabaab.

Qoraal kasoo baxay Hay’ada NISA oo lagu baahiyay bar Twitterka ku leeyihiin ayaa lagu sheegay in ciidamada amaanka howlgal uusan dhiig ku daadan kusoo qabteen xubin katirsan Amnidyaadjka.

“Ciidamada amniga ayaa xubin amniyaad-ka Al-Shabab ah kusoo qabtay howl-gal qorshaysan oo ay ka fuliyeen Degmada Heliwaa Habeennimadii Jimcaha , howl-galka cidi wax kuma noqon.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay NISA.

Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa shacabka ka codsaday in laamaha amaanka kusoo war galiyaan xogaha xubnaha katirsan Al Shabaab ee ku sugan xaafadahooda.

Taliska Nabad sugida Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay shaacinayay in ciidamada amaanka howlgalo ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho kusoo qab qabteen xubno badan oo katirsan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -