Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sarkaal ka tirsan ciidanka hay’adda NISA oo lagu dilay qarax gaarigiisa loogu xiray

Qarax lagu dilay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Hay’adda NISA ayaa la soo sheegayaa inuu xalay ka dhacay magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan Xaafadaha magaalada marka ayaa waxaa Gaarigiisa loogu xiray Xasan Cusmaan Cali Biitooni (Taliye Kush-gale) oo ka tirsanaa saraakiisha NISA, kaasoo isla goobta ku qur baxay.

Ninkan ayaa la dhashay gudoomiyihii hore ee degmada Marka Maxamed Cusmaan Cali (Yariisow).

Sarkaalka Ciidamada NISA ka tirsanaa ayaa la sheegay inuu caan ka ahaa magaalada Marka iyo degaannada hoostaga.

Sarkaalka ayaa xilliga uu gaarigiisu qarxayay marayay Xaafada Horseed ee magaalada Marka, waxaana qaraxa sidoo kale ku dhaawacantay Saddex Askari oo ka mid ahaa ilaaladiisa.

Weli ma jiro war ku saabsan qaraxan oo ka soo baxay laamaha Amniga gobolka Sh/hoose iyo Maamulka Magaalada Marka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Trump oo Aqalka cad ka eryey John Bolton iyo sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Maraykanka oo kaalmadii ka jartay mid ka mid ah dowladihii xulufada dhow la ahaa

Caydiid Ali

G/sare Muumin Cabdi Shire oo Shaqo joojin lagu sameeyay iyo Sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---