Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

G/sare Muumin Cabdi Shire oo Shaqo joojin lagu sameeyay iyo Sababta keentay

Wararka ka imaanaya magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland ayaa sheegaya in shaqadii laga joojiyay Taliyihii Qeybta Booliiska gobolka Nugaal G/sare Muumin Cabdi Shire.

Taliyaha qeybta booliiska gobolka Nugaal ayaa la sheegay in mudooyinkan khilaaf la xalin waayay kala dhaxeeyay Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska maamulka Puntland Sareeyo Gaas Muxudiin Axmed Muuse.

Qoraal kasoo baxay Sareeyo Gaas Muxudiin Axmed Muuse ayaa shaqada looga joojiyay taliyaha qeybta booliiska ee gobolka Nugaal, waxaana shaqo joojinta lala socod siiyay Madaxweynaha Puntland.

Taliyaasha ciidamada maamulka Puntland ayaa marar badan waxaa soo kala dhax galay khilaaf dib u dhac u keenay shaqada ciidanka, waxa ayna keentay in saraakiisha qaar khilaafaadkaasi xilalkooda ku waayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Safiirka Somalia ee Liibiya oo ku kacay arrin gef ku ah dhaqanka Soomaalida (Sawirro)

Caydiid Ali

Hirshabelle oo Maamul u magacowday Mid ka mid ah degaanadii laga saaray Al-Shabaab

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Weerar dad badan lagu dilay oo lagu qaaday Kaniisad kutaala Quetta 

admin
Taboola Ads ---