Maraykanka oo kaalmadii ka jartay mid ka mid ah dowladihii xulufada dhow la ahaa

Mareykanka ayaa dalka Pakistan ka jaray kaalmada dhanka ammaanka ee uu dalkaasi siin jiray isagoo ku eedeeyay inay ku guul dareysatay inay wax ka qabato kooxaha argagixisada ee ka hawlgala dalkeeda.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in ay xayiraaddaasi sii jiri doonto ilaa iyo inta xukuumadda Islamabad ay tallaabo ka qaadeyso kooxaha Haqqani iyo Talibanka Afghanistaan.

Kal hore usbuucan ayaa madaxweyne Trump waxa uu Pakisttan ku eedeeyay in ay khiyaaneyso dalkiisa ilsa markaana ay ka qaadaneyso balaayiin doolar oo kaalma ah.

Muranka u dhaxeeya Mareykanka iyo Pakistan oo muddo dheer xulufo ahaa ayaa hadda gaaray meel xasaasi ah waxaana hadda ay u muuqdaan kuwo dhabarka isu jeedinaya.

Xukuumadda Islamabad ayaa eedeynta madaxweyne Trump ku tilmaantay mid aan la qaadan karin isla markaana la isaga indha tirayo tobaneeyadii sano ee Pakistan ay nafteeda u hurtay Mareykanka.

Mowqifka Mareykanka uu ka qaatay Pakistan ayaa waxaa aad u soo dhaweeyay waddamada India iyo Afghanistaan, balse Shiinaha oo tobanaan bilyan oo doolar ku maalgashanaya dalkaasi Pakistan ayaa ku gacan seyray.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa durbaba hakiyay kaalmo milatari oo uu Pakistan siin lahaa oo ka badan 255 milyan oo doolar.

Haweeney Afhayeen u ah waaxda arrimaha dibadda Mareykanka oo go’aankaasi shaacisay ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka ay tixgelisay dhibaatada ay geysanayaan kooxda

Pakistan ayaa ciidamada caalamiga ah u ogolaatay in ay sahayda u soo marto dhulkeeda xilligii dagaalkii Afghanistaan waxaana reer galbeedka ay ka caawisay la dagaalanka kooxaha sida Al-Qaacidda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -