Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Trump oo Aqalka cad ka eryey John Bolton iyo sababta ka dambeysa

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaqada ka ceyriyay la taliyihiisii arrimaha amaanka John Bolton.

Trump ayaa sheegay in toddobaadka soo socda uu magacaabi doonto la taliyihiisa cusub ee dhanka amaanka.

“Waxaan xalay u sheegay John Bolton in adeegiisa aan xilligan looga baahnayn aqalka cad, Waxaa aan si adag isugu khilaafnay waxyaabaha uu soo jeediyay” ayuu soo qoray madaxwayne Trump.

Xil ka qaadista Bolton ayaa ku soo beegmaysa xilli la hadal hayay kala qaybsanaan soo kala dhexgashay Maamulka Trump.

Waxaa la sheegay in kala qaybsanaanta ay ka dhalatay ka dib markii uu Madaxwayne Trump meesha ka saaray qorshihii nabadda ee Taliban iyo Mareykanka.

Mr Bolton Twitterka ku soo qoray in iscasilaadiisa uu u gudbiyay xalay Madaxwayne Trump, isagoo ka mid noqonaya masuuliyiin fara badan oo ay iskhilaafeen Trump ka dibna shaqada laga eryey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Weerar khasaaro badan dhaliyay oo lagu qaaday tuulada Indha Kayd iyo xiisad taagan

Cabdi Cade

400 Arday oo u fariistay imtixaan loo gelayo Deeqda Waxbarasho ee Hormuud Salaam Foundation (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxkamadda Racfaanka oo go’aan kasoo saartay dambiyo lagu soo eedeeyay labo Agaasime guud hore

Cabdi Cade
Taboola Ads ---